London, (TFG): Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa gaaray duleedka magaalada London, halkaas oo ay booqasho ku tageen Xarunta Hawlgalka Ciidanka Badda ee Yurub ee la dagaalanta burcad badeedda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Yurub oo ay ka mid ahaayeen, Admiral. Peter Hudson, Admiral. Bartalome, Admiral. Soar, Admiral. Ort, Safiirro iyo Madax ciidan, kuwaasoo warbixin dheer ka siiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa, dadaallada, howlgalada iyo tabta ay ciidamada Midowga Yurub kula dagaalamaan kuna xakameeyaan burcadda badda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, waxaa intaas kadib loo furay albaabadda barta howl-galka ee ciidankaas, iyaga oo la tusay qaabka howl-galada la dagaalanka burcadda, waxayna halkaas Madaxda Midowga Yurub iyo wafdiga Soomaaliya ee Madaxweynuhu uu hoggaaminayo, is ku dhaafsadeen fikrado iyo talooyin la xiriira sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya ee ciidamada Midowga Yurub.

Kulankaas kadib, ayaa Saraakiisha ciidamada Midowga Yurub, waxay casho sharaf u sameeyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxayna Madaxweynaha Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed, halkaas ku guddoonsiiyeen hadiyad qaali ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa beri aroortii la kulmi doona, Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Britain Mr. Douglas Alexander, wuxuuna isla duhurnimada kulan la qaadan doonaa Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Alan Johnson, iyadoo uu galabtiina qaabili doono U-qeybsamaha arrimaha dibada ee Xisbiga mucaaradka.
Madaxweyana iyo wafdigiisa, ayaa ugu danbeyn waxaa jadwalka shaqo ugu jirta in ay wareysiyo is daba socda Madaxweynaha la yeeshaan tevisionada caalamiga ah sida CNN iyo Aljazeera iyo kuwo kale.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho