Taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika oo sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan dhanka howlgalada.
Washington, (TFG): Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika, ayaa sheegay in ay taageerayaan dadaalada iyo abaabulka ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ku doonayso in ay ku soo ceshato gacan ku haynta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Mareykanka, Wiliam Ward, ayaa sheegay mar uu ka qeybgalayay fadhi uu yeeshay Golaha Aqalka Sanet-ka dalka Mareykanka, in ay socdaan howlo iyo dadaalo looga gol leeyahay in magaalada Muqdisho, si buuxda loogu soo celiyo gacanta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Mareykanku ka taageerayso dowladda Soomaaliya dagaaladaas.
Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in xiligan ay Soomaaliya ka jirto fursadii ugu weynayd ee dib loogu soo celin lahaa dalkaasi xasiloonidii iyo deganaashihii mar hore ka lumay, marka meesha laga saaro kooxaha argagixisada ah ee gacan saarka la leh ee dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii saraakiil Mareykan ah laga soo xigtay in ay suurto gal tahay in dowladda Mareykanka, milatari ahaan ka qeyb qaadato dagaalka dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba kaga sifeyso kooxaha ku xiran Ururka Al-qaacidda sida Alshabaab iyo Xisbul Islaam.