Jabuuti, (TFG): Siminaar loo qabtay ilaa 13 ka mid ah Agaasimayaasha wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, iyo labo Xubnood oo ka socday xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isal wasaaraha oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda UNDP, ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti.
Siminaarkan, ayaa waxaa uu socon doonaa mudo afar maalmood ah, waxaana casharada lagu baranayo ka mid ah qaabka ugu haboon ee Wasaaradaha dowladdu uga shaqeyn karaan gudaha dalka oo ay in mudo ah dhibaatooyin ka jireen sida amaan darada ay kooxaha mayalka adagi ka wadaan dalka.
Siminaarkan, ayaa waxaa casharo ka bixinaayo Macamiin ka soo shaqeeyay wadamo uu hore burbur uga dhacay oo ay ka mid yihiin kuwo ku yaala Qaarada Afrika iyo Qaarado kale oo Caalamka ah, waxayna Macalimiintan qibrado ka siin doonaan Agaasimayaasha Wasaaradaha, dhibaatooyinkii ka dhacay dalalkaas iyo sidii loo xaliyay.
Macalimiinta Siminaarkan bixinaysa, ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh wadamada ay dagaalada aafeeyeen, waxayna casharadu intooda badan ku saabsan yihiin qaababka ugu haboon ee loo xalin karo dhibaatooyinka ka dhasha dagaalada.
Siminaarkan, ayaa dhanka kale Masuuliyiintan lagu bari doonaa Casharo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa howlahooda shaqo ee Wasaaradaha kala duwan ee ay ka shaqeeyaan oo iminka ku shaqeeya xaalad adag,.