Madaxweynaha Soomaaliya oo ku eedeeyay Ururka Al-qaacida in uu taageero kooxda Shabaab ee dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
Dubai, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa sheegay in Ururka Al-qaacidda uu ka dambeeyo falalka gurucan ee kooxda Al-shabaab ay ka wado dalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siinayay Telefishanka Afka Carabiga ku hadla ee Al-Carabiya ee laga leeyahay dalka Sacuudiga ee xaruntiisu tahay dalka Imaaraadka, wuxuuna dowladda Mareykanka ka codsaday in ay gacan ka siiso dowladda Soomaaliya, dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ka wada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha, oo ka hadlaayay amaanka wadanka, ayaa sheegay in xaaladda amaan ee dalka ay aad u qasan tahay, wuxuuna masuuliyada arrintaas dusha u saaray in uu ka danbeeyo Ururka Al-qaacida oo ka abuuray gudaha Soomaaliya Unugyo xiriir fiican la leh , kuwaasoo dhiibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay ku haystaan gudaha dalka, wuxuuna sheegay in Ururka Al-qaacida uu maalgeliyo Ururka Al-shabaab si uu hoy u siiyo kooxaha argagixisada geeska Afrika loogana duulo dalalka Caalamka.
Madaxweynaha, ayaa dhanka kale sheegay in dowladdiisu aysan marnaba ka baaqsan doonin dagaal ay la gasho kooxaha dhibaatada ka wada dalka, wuxuuna beeniyay warar ay warbaahinta qaarkood qortay, kuwaasoo sheegaya in dowladda Soomaaliya, ay weydiisatay dowladda Mareykanka taageero ciidan oo dhinaca cirka ah.