Siminaar loo qabtey Agaasimayaal Wasaaradeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti.
Jabuuti, (TFG): Siminaar aqoontooda kor loogu qaadayay Agaasimayaal Wasaaradeed oo ka tirsan Wasaaradaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, oo ka socday magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti, ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey isla magaaladaas.
Siminaarkan, oo socday mudo afar maalmood ah, oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda NDI (National Democratic Instituite), oo ay casharo ku saabsan qaabka shaqada iyo maamulka ku baranayeen ilaa 13 Agaasimayaal Wasaaradeed iyo labo Xubnood oo ka socday xafiisyada Baarlamaanka iyo Ra’isal wasaaraha.
Siminaarkan, oo ay casharo ka bixinayeen Macalimiin ka soo shaqeeyay wadamo ay dagaalo ka jireen, waxay Agaasimayaasha uga faa’iideeyeen sidii ay ugu fududaan laheyd howshooda, maadaama ay ku shaqeeyaan wadan uu dagaal ka jiro loona baahan yahay in ay wax badan kala socdaan qaababka loo baahan in loogu shaqeeyo wadankaas.
Siminaarka, ayaa waxaa Agaasimayaashii ka soo qeybgaley ay sheegeen in ay wax badan ka faa’iideysteen oo ay dib ugula laaban doonaan Wasaaradihii ay ka shaqeyn jireen si loo horumariyo shaqada Wasaaradahaas.
Mid ka mid ah Agaasimayaashii ka qeybgaley shirkaas oo u waramaayay warbaahinta dowladda, kaasoo lagu magacaabo Eng. C/qaadir, oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada howlaha guud ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’iideysteen casharadii ay ku qaateen Siminaarkaas, wuxuuna Hay’adda National Democtratic Instituite (NDI), uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugu qabatay Siminaarka, isagoo sheegay in ay aqoontii iyo waaya aragnimadii ay ka kororsadeen Siminaarka, ay u gudbin doonaan shaqaalaha iyo howlwadeenada Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan si loo casriyeeyo qaabka loo shaqeeyo loona fududeeyo shaqada.