Guddi ay dowladdu u magacaabtay xalinta dagaalo ka jira gobalka Mudug oo ka ambabaxay garoonka Muqdisho.
Muqdisho, (TFG): Guddi Odayaal iyo Waxgarad isugu jira oo ay dowlada KMG ah ee Soomaaliya u mabacaabtay xalinta Colaadaha ka soo cusboonaaday deegaano ka mid ah gobalka Mudug, ayaa ka ambabaxay garoonka diyaadaha caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Guddigan, oo ka kooban 8 xubnood oo ka soo kala jeeda labada Beelood ee dirirtu ku dhex martey deegaano ka tirsan gobalka Mudug, ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air port ee magaalada Muqdihso, iyagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan deegaanada ay ku dagaalku ku dhexmarey labada Beelood ee walaaha ah ee wada dega deegaanada camaara iyo bacaadweyn.
Gudigan, oo ay dhawaan magacaabeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan iyo Wasiirka arrimaha gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la filayaa in ay wax weyn ka qabtaan Colaadda ka oogan deeganadaasi, islamarkaana ay muwaafaqo dhex dhigaan Beelahaasi, maadaama Xubnaha Gudigaasi ay ka kooban yihiin Odayaasha dhaqanka ee labadaasi Beelood.
Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhexmaray Beelahaasi, ayaa waxa ku nafwaayay in ka badan 15-qofood oo labada dhinac ah, waxaana dagaaladasi ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac xoog leh oo soo gaaray dadka ku dhaqan deeganadaasi.