Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo shacabka ugu baaqday in ay u istaagaan difaacida Diinta iyo Dalka.
Muqdisho, (TFG): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in aysan ogolaan dagaaladda kooxaha dhibaatada dalka ka wada ay wadaan, ayna u istaagaan ilaalinta Qaranimada dalkooda.
Sh. Nuur Baaruud Gurxan, oo ka mid ah xubnaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in waxa dalka ka socda aysan Jihaad aheyn, diintana ay ka fog yihiin, wuxuuna tilmaamay in cid diin iyo damiir lahi aysan aqbali karin dagaalka ka socda dalka oo lagula dagaalamayo Umad doonaysa in ay dib u soo ceshato Qaranimadeedii.
Sh. Nuur Baaruud, wuxuu shacabka ugu baaqay in aysan aqbalin dulleysiga ay duleysanayaan kooxaha dhibaatada dalka ka wada, wuxuuna sheegay in xalka dalka uu ku jiro in shacabku u istaagaan ka hor taggida cid kasta oo diiddan nabadda iyo Qaranimada dalka, diintana meel uga dhacaysa.
Sh. Nuur Baaruud, ayaa sidoo kale sheegay in marka dib loo fiiriyo waxa diintu ka qabto dagaalada dalka ka socda ay waajib tahay in shacabku ay u hiiliyaan xaqa, ayna ka hor tagaan cid kasta oo xal u aragta sida xaaladdu hadda tahay.
Sh. Nuur Baaruud Gurxan, ayaa dhinaca kale xusay dowrka Culimada Soomaaliyeed uga aadan soo celinta Qaranimada iyo karaamada Soomaaliyeed, wuxuuna qiray in culimada ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii wadanka loo nabadeyn lahaa, inkastoo dadka laga dhaadhiciyay afkaar khaldan oo sababtay in shacabku ay ka sheegtaan Culumada oo ah hoggaanka ummadda, isagoo qirey in ay jiraan kooxo diinta Islaamka dadka nacsiinaya, kuwaasoo banaysanaya dhiiga, maalka qofkasta oo muslim ah oo ay u arkaan inuu danahooda ka soo horjeedo, balse aysan Culimadu ka quusan weli badbaadinta shacabka Soomaaliya.