Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska ay dowladda Soomaaliya la saxiixatay Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca.
Addiss-ababa, (TFG): Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Ethiopia ku kala saxiixdeen dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca.
Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika Mr. John Pean, oo warfidiyeenada kula hadlaayay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addiss-ababa, kadib markii uu soo gabagaboobay kulankaas, ayaa sheegay in Ururka Midowga Afrika, uu soo dhaweynayo heshiiskaas.
Guddoomiyaha, ayaa intaa ku darey in Ururka Midowga Afrika, uu dowladda Soomaaliya ka taageeri doono sidii ay u soo ceshan laheyd Qaranimadeedii, wuxuuna sheegay in ay ka caawin doonaan Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dib u dhiska.
Mr. John Pean, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid gogosha u xaari doona nabad ka dhalata dalka Soomaaliya, wuxuuna labada dhinac ee heshiiska saxiixday ka codsaday in ay ku dadaalaan meel marinta heshiiska, isagoo isbarbardhig ku sameeyay cida u istaagtay samata bixinta shacabka dhibaateysan iyo kuwa dhibaateynaya shacabka oo uu sheegay in Ilaah abaal marin doono kuwa u naxariistay shacabka oo u tanaasulaya waxwalbana ka hor marinaya danta umaddooda.