Kulan ay ka soo qeybgaleen Wasiiro iyo Hay’addaha amniga iyo garsoorka ee dowladda oo ka dhacay Muqdisho.
Muqdisho, (TFG): Kulan looga hadlaayay sidii la isu waafajin lahaa Hay’addaha garsoorka iyo kuwa amaanka, ayaa lagu qabtay Hotel-ka Naasa-hablood Two ee magaalada Muqdisho.
Kulankan, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahim (Ibbi), Wasiirka arrimaha gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqoow), Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune), Saraakiisha ciidamada amaanka iyo xubno kale ayaa lagu qabtay Hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.
Kulankan, oo uu shir-guddoomiyay Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa waxaa looga hadlaayay sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen Hay’addaha amniga iyo garsoorka ee dowladda KMG ah.
Kulankan, oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin, ayaa markii uu soo gabagaboobay, waxaa Saxaafadda lahadlay Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan, wuxuuna sheegay in shirka looga hadlay sidii la isu waafajin lahaa wada shaqeeynta Hay’adaha Amaanka iyo Garsoorka, isagoo sheegay in la isku afgartay in arrintaas loo saaro Guddi ka kooban Wasaaradaha cadaaladda iyo garsoorka iyo arrimaha gudaha, kuwaasoo mudo laba maalmood ah ku soo diyaarin doona qaabka ay ugu haboon ee ay u wada shaqeyn karaan Hay’addahaas.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in la mideyn doono wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’addaha amniga iyo cadaalada sida: Booliska, Xabsiyada iyo Garsoorka, wuxuuna sheegay in Gudiga ay soo diyaarin doonaan arrimahaas.
Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax, ayaa isna sheegay in xeerarkii hore ee lagu dhaqmi jirey ay yihiin kuwo aan jirin, wixii hada ka danbeeyana lagu xukumi doono shacabka diinta Islaamka, ayna albaabada garsoorku u furan yihiin cidkasta.
Wasiirka, ayaa intaa ku darey in ay diyaariyeen ilaa shan Hool oo dacwadaha lagu qaado, labo Hoolashaas ka mid ah waxaa lagu qaadaa dacwadaha danbiyada yaryar, halka seddexda kalena lagu qaado dacwaddaha danbiyada culculus, wuxuuna sheegay in aysan dhicin in dadku iska xirnaadaan oo ay tahay in qofka la horkeeno Maxkamadda 24 saac gudahood.