Madaxweyne Shariif oo ka hadlay safaradii uu ku tagey dalka dibadiisa, warbixintii Qaramada Midoobay iyo dagaalada dalka ka jira.
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa ka hadlay arrimo faro badan oo ku saabsan Safarkiisii uu ku tagay dalka Ingiriiska, warbixinta Qaramada Midoobay iyo Heshiiskii dowladda iyo Culuma’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca.
Madaxweyne, Sh. Shariif Sh. Axmed, oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa uga hadlay arrimo faro badan oo ka ay ka mid ahaayeen Booqashadii uu ku tagay dalka Ingiriiska, Heshiiskii ay Dowladda iyo Culumaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya iyo Warbixintii ay soo saartay kooxda Monitoring Group ee Qaramad Midoobay.
Madaxweyne, Sh.Shariif Sh. Axmed, ayaa ugu horeyn sheegay in Booqashadii uu ku tagay dalka Britain, ay si wanaagsan u dhacday, wuxuuna sheegay in uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska Mr. Goldan Brown iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumaddaasi, isagoo intaasi ku daray in ay Masuuliyiintaasi muujiyeen sida ay u taageerayaan Dowladda Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale uga mahad celiayay Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Ingiriiska sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen Dalka Ingiriiska, isagoo xusay inay jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu la kulmay ay ahaayeen dad aad u jecel in dalka Soomaaliya uu noqdo Meel Nabdoon.
Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed, mar uu ka hadlaayay Heshiiskii ay magaalada Addis-ababa ku kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayuu sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa guul balaaran oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in ay Shacbigu helaan Dowlad u adeegeysa Bulshada oo hanata Ammaanka, soona celisa Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Madaxweynuhu, waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya, ay dadaal ugu jirto sidii loo sii kordhin lahaa arrimaha dib u heshiisiinta oo ay cid walbo ugu soo biiri laheyd dowladda, wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay dowladdu ka soo horjeedo cid kasto oo aan daneyneyn in ay Nabad ka dhalato gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, mudane Sh.Shariif Sh.Axmed, ayaa dhanka kale ka hadlay wabixintii ay soo saartay kooxda Monitoring Group oo u qaabilsan Qaramada Midoobay la socodka hubka la gelinayo dalka Soomaaliya, wuxuuna Qaar ka mid ah waxyaabihii lagu soo qoray warbixintaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo xaqaa’iqa ka fog oo aysan ka muuqan Xog-ogaalnimo dheeri ah, oo ay u muuqdaan kuwo fadhi ku dirirka laga soo aruuriyay.
Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale sheegay in Warbixintaasi ay ciidamada dowladdu ku tilmaamtay kuwo aan dhisnayn, taasoo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay mid meel ku dhac ku ah dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda qalabka sida, wuxuuna sheegay in ciidamadu diyaarsan yihiin ayna jirin warka sheegaya in 80%-kiiba isu dhiibaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay Gudi u saari doonaan la socodka warbixintaas, ayna jawaab ka bixin doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhanka kale sheegay dowladdu dariiqyo badan u mareyso sidii Ammaanka dalka wax looga qaban lahaa oo nabadda loogu soo celin lahaa, isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay mas’uul ka tahay shacbiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha, ayaa ugu danbeyn sheegay in dagaaladda ay qaadayaan cida diidan nabada iyo Soomaalinimada, islamaana ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ay jiraan kooxo magic diimeed ku banaysanaya dhiigga iyo maalka umada Islaamka, wuxuuna sheegay in u aad uga xun yahay barakaca soo wajahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladdu qorsheynayso in ay dadkaas wax u qabato.