Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka oo beeniyay eedaymo lagu soo qorey warbixintii ay soo saartey kooxda Monitoring group.
Jabuuti, (TFG): Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa beeniyay eedeymo lagu soo qorey warbixintii ay soo saartey kooxda ay Qaramada Midoobay u xilsaartey la socodka hubka galaya Soomaaliya iyo gargaarka la geeyo meesha uu ku baxo, taasoo lagu xusay Wasiirka iyo Wasiiro kale oo xukuumadda ka tirsan.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Madoobe Nuunow Maxamed, oo u waramayay warbaahinta dowladda, isagoo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Djabuuti, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo soo jeediyay, kuwaasoo ku aadan in uu iibsaday fiisooyin dad ay ku tageen Qaaradda Yurub, sida dalka Jarmalka, warkaas oo lagu qorey warbixin ay soo saartay koox gaar ah oo Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xaaladdaha Soomaaliya, Gudigaas oo lagu magacaabo (Monitoring Group).
Wasiirka, oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku tilmaamay warbixintaasi in ay tahay mid wax loogu dhimayo sharaftiisa iyo tan dowladda, wuxuuna intaa ku daray in dadka tagey dalka Jarmalka ay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa Wasaarada dastuurka iyo arrimaha federaalka, kuwaasoo tababar halkaasi u jooga kadib markii ay ogolaatay dowladda Jarmalka ayna isku raaceen labada dowladdood.
Arrintan, ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, kadib shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in warbixinta inteeda badan laga soo aruuriyay fadhi ku dirirada, balse ay qaar ka mid ahi suurta gal noqon karto in ay wax ka jiraan, loona baahan yahay in aan la iska eedayn inta laga helayo cadeymo buuxa.