Prof. Dalxa oo ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dalal dibada ah iyo wixii u qabsoomay.
Muqdisho, (TFG): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dalalka dibada ah qaarkood iyo wixii u soo qabsoomay.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo u waramaayay TFG, ayaa sheegay in uu ugu horeyn uu magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti, kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi mudane Idiris Aadan Daa’uud, ayna warbixino ku saabsan wixii u suurta galay Baarlamaanka, tan iyo intii la balaariyay ee lagu soo darey 275 xubnood, wuxuuna sheegay in uu ku xirey dalal ay Jabuuti saaxiib la tahay si dowladda Soomaaliya loo taageero.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaatey Safiiro fadhigoodu yahay magaalada Jabuuti, sida Safiirka dalka Iiraan u fadhiya dalka Jabuuti, Sii hayaha Safaarada South Afrika, Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya dalka Jabuuti, Sii hayaha Safaarada dalka Norway, oo uu dhamaantood kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, si ay cagaheeda isugu taagto, wuxuuna sheegay in ay dhamaantood soo dhaweeyeen in Soomaaliya wax lala qabto xiligan.
Prof. Dalxa, wuxuu sidoo kale sheegay in uu la kulmay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti mudane Xuseen Kabaaliis, kaasoo uu sheegay in uu xiriirinayay isaga iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti kulamadda uu la qaadanayay Masuuliyiintaas, wuxuuna sheegay in ay la kulmeen diblomaasiyiin ay ka mid ahaayeen ku xigeenka xoghayaha arrimaha guud ahna wakiilka Axmedu Walad Cabdala iyo Hay’addaha UNPOS, NDI iyo HAWEBA, oo uu sheegay in ay dhamaantood kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen wax ka qabashada xaaladda murugsan ee dalka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii bulshada sida amaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii Baarlamaanka gacan looga siin lahaa dhinacyo badan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa dhanka kale sheegay in uu magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, uu kaga qeybgaley kulamo iyo shirar badan oo uu ka mid ahaa shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda Nardic Club, kaasoo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaal hore, Ra’isal wasaareyaal hore, Guddoomiyayaal Baarlamaan hore, Wakiilo Haween iyo NGO-yo ka socday dalalka: Ethiopia, Suudaan, Erithrea, Uganda, Senigal, Djabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo looga hadlaayay xaaladdaha kala duwan ee ka jira Qaarada Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana Soomaaliya dhibaatada ka jirta loo aqoon sadey in ay tahay mid caalami ah, una baahan in si wada jir ah wax looga qabto.
Guddooiye ku xigeenka, ayaa dhanka kale sheegay in uu magaalada Nairobi, kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada dalka Iiraan, Munashaar Muwakili, oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu Wasiirku balan qaaday in dowladda Iiraan ay Baarlamaanka Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada dhaqaalaha, dayactirka dhismaha iyo caafimaadkaba , isagoo sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo wajahdo xaalad caafimaad daro lagu daweyn doono isbitaalada dalka Iiraan, isagoo sheegay in ay sidoo kale dowladda ka taageerayaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay Waxbarashada.