![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
War Saxaafadeed WARSAXAAFADEED KASOO BAXAY XAFIISKA RAYSULWASAARAHA
WAR SAXAAFADEED
MOGADISHU, AUG. 12 --- DAWLADDA FEDERAALKA KMG EE SOOMAALIYA AYAA MAANTA KU TILMAAMNTAY FAL FOOLXUN OO WAXASHNIMO DILKA LOO GEYSTAY WADAADO SHAN AH OO U DHASHAY DALKA PAKISTAN OO HABEENKII XALAY AHAA LAGU DILAY MASAAJID KU YAAL MAGAALADA GALKACYO.
SHILKA WAXAA KALE OO KU DHAWAACMAY QAAR KALE OO KA MID AH CULIMADAAS WAXAANA DHAAWACADOODA LA GEEYAY CUSBITAALKA GAALKACYO.
RA’ISAL WASARAHA XUKUUMADA KMG EE SOOMAALIYA, MUDANE DR. CUMAR CABDIRASHIID CALI SHARMARKE ISAGOO KU HADLAYA MAGACA XUKUUMADA WUXUU TACSI U DIRAY DAWLADDA PAKISTAN IYO QOYSASKII AY KA GEERIYOODEEN WADAADADAAS TABLIIGA AH OO DALKOODA UGA SOO BAXAY FIDINTA DIINTA ISLAAMKA ISLA MARKAANA DIINTA KU BARAARUJIYA DADKA ISLAAMKA EE KU DHAQAN DUNIDA GUUDKEEDA WUXUUNA ILAAH UGA BARYEY INUU JANNADII KA WARAABIYO EHELKOODIINA SAMAR IYO IIMAAN KA SIIYO KUWA DHAAWACMAYNA UU EEBE KA BOGSIIYO.
CIIDANKA BOLIISKA EE GOBOLKA AYAA IMMINKA BAARAYA SABABTA SHILKU U DHACAY IYO CIDDA KA DAMBEYSAY LABADABA.
DHINACA KALE DAWLADDA FEDERAALKA KMG EE SOOMAALIYA AYAA MAANTA KU TILMAANTAY WAX LAGA XUMAADO IN CIIDAMO KA TIRSAN DAWLADDA AY RASAAS ISKU WEYDAARSADAAN XAAFADDA KILOMETER SHAN OO AY DAD SHACAB AH OO BADAN AY KU NOOL YIHIIN.
AFHAYEEN KU HADLAY MAGACA DAWLDDA AYAA KA CODSADAY GEESAHA DIRIRTU DHEX MARTAY INAY JOOJIYAAN GACAN-KA-HADAL DAMBE.
AFHAYEENKA DAWLDDA AYAA CADDEEYAY IN RA’ISAL WASARAHA DAWALDDA FEDERAALKA EE KMG SOOMAALIYA, MUDANE DR. CUMAR CABDIRASHIID CALI SHARMARKE UU GUDDIGA AMNIGA QARANKA EE GOLAHA WASIIRADA U XILSAARAY INEEY SOO BAARAAN SABABTA DAGAALKA AAN LOO BAAHNEYN DHALISAY IYO CIDDA KA DAMBEYSAY, WUXUUNA KU AMRAY LABADA DHINCA IN AANEY MAR DAMBE KU KICIN FAL NOOCAAS AH OO MAGAC DIL U KEENAYA DAWLADDA..
END ITEM
Other Press Releases 1.War-saxaafadeed: Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda FKMG ah
Mogadishu: Ra’isul... Muqidsho: Warfaa... Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya. Not Available in Somali Muqdiso, 05 August 2009,
Remarks with Somali Transitional Federal Government Hillary Rodham Clinton 1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo) 2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ... Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay. 1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowr... Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka uu qabtay shir jaraa’id. 1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn... 1. Salaan 1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|