![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
War Saxaafadeed War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka dawladda federalka KMG ee Soomaaliya Mogadishu: Ra’isul Wasaaraha dawladda federaalka KGM ah ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul u cambaareyay fal argagaxiso oo maanta ka dhacay xarunta ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee xalane markii laba gaari oo ay kala wadeen dhagar qabayaal is miidaamiyay ay u geysteen dhaawac iyo dhimasho. Isagoo ku hadlaya magaca dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in falkaa argagaxisda lagu fuliyay gaawaari hore looga soo xaday xeerada qaramada midoobay ayadoo ay ku dhaawacmeen saraakiil sare ee ka tirsan ciidamada Soomaaliya. Dr. Cumar C/rashiid wuxuu tacsi u diray ehelada dadka shilkaas ku geeriyooday wuxuuna kuwa dhaawacmay ugu duceeyay in eebe si degdeg ah u bogsiiyo. Dr. Cumar C/rashiid wuxuu ka codsaday beesha caalamka iyo inta nabadda jecel inay xukuumadda Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta AMISOM la soo gaaraan taageero macnawi iyo maadiba leh si shacabka Soomaaliyeed isaga caabiyo dhibaatada uga immaaneysa dadka falalka argagaxisada wada. Baaris ayaa imminka soconeysa si loo ogaado sababta shilku ku dhacay iyo baaxadda khasaaraha intuu dhan yahay. C/qaadir Maxamuud Walaayo Afhayeenka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Other Press Releases 1.Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Maraykanka Muqidsho: Warfaa... Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya. Not Available in Somali Muqdiso, 05 August 2009,
Remarks with Somali Transitional Federal Government Hillary Rodham Clinton 1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo) 2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ... Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay. 1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowr... Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka uu qabtay shir jaraa’id. 1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn... 1. Salaan 1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|